Saturday, June 28, 2025

Guddiga Doorashada Jubbaland oo War Cusub soo saaray [Doorashadii Madaxweynaha oo Dib loo dhigay]

Guddiga Doorashada Jubbaland ayaa Goor dhoweyd soo saaray qoraal uu ku sheegay inuu kordhiyey waqtiga Doorashada Madaxweynaha maamulkaasi, iyadoo fursad la siinayo musharixiinta ka horjeeda Axmed madoobe inay is diiwaan geliyaan.

Qoraalka kasoo baxay Guddiga oo loo diray Beesha Caalamka, kuna socday Wakiilka Q/Midoobay ee Somalia James Swan ayaa lagu sheegay in muddo saddex maalmood ah dib loo dhigay Doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo hadda dhici doonta 22-ka Ogost, halka markii hore loo cayimay inay dhacdo 19-ka bishan, waana markii saddexaad ee wax laga bedelo xilliga doorashada madaxweynaha Jubbaland.

Musharixiinta isbedeldoonta ee ka horjeeda Axmed Madoobe ayaa la siiyey inay isku diiwaan geliyaan inta u dhaxeysa maalmaha 17 ilaa 19-ka Ogost, waxayna arrintan ahayd qodob ka mida dalabkii wakiilada Beesha Caalamka ay hordhigeen Axmed Madoobe iyo Guddigiisa Doorashada.

Golaha Badbaadada Jubbaland oo ay ka mid yihiin Musharixiinta isbedeldoonka iyo odayaasha dhaqanka ee ka horjeeda Axmed Madoobe ayaa ku gacan seyray waqti kordhinta cusub, iyadoo qoraal ay hore u soo saareen ku caddeeyay lix qodob oo ay doonayaan in wax laga bedelo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON