Guddiga Doorashada heer Federaal ee FIET ayaa beeniyay jiraanka Habraac Doorasho oo loo sameeyay doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka.
Qoraal kasoo baxay Guddiga Doorashada ayaa been abuur lagu tilmaamay qoraallo lagu faafiyey baraha bulshada oo ku saabsan habka loo soo xulayo ee loo dooranayo musharixiinta Golaha Shacabka ee Doorashadooda aan weli la gelin.
“Dhammaan Daneeyayaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed waxaan ku war gelinaynaa in aysan jirin wax habraac doorasho Golaha Shacabka ah oo uu Baahiyey Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Guddiga oo lagu soo qaatay warqad ka mida kuwa baraha bulshada wareegaya.
Qoraallada lagu baahiyey Baraha bulshada ayaa awood dheeraad siinaya Maamull-goboleedyada oo hubinaya musharixiinta u tartamaya kuraasta Golaha Shacabka, isla markaana ku yeelanaya kor-joogteyn iyo awoodda ugu badan ee saameynta Doorashada xildhibaannada.
Marar badan ayaa la sheegay inuu jiro habraac cusub oo doorasho, kaasoo ay si qarsoodi ah u diyaariyeen Madaxda Madasha Qaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, balse ma jirto cid habraacaasi soo bandhigtay.
Madasha Qaran ayaa lagu wadaa inay toddobaadka soo socda shir ku yeelato magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlo arrimaha doorashada Golaha Shacabka iyo gabagabeynta Doorashada Aqalka Sare.
