Guddiga Doorashooyinka Hirshabelle ayaa kulan degdega oo ay ku yeesheen magaalada Beledweyne waxay goor dhoweyd ku doorteen guddoomiye cusub.
Guddiga SEIT Hirshabeelle ayaa guddoomiye cusub u doortay Maxamed Xuseen Maxamed Waadi , kaasoo bedelay Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Axmed Xasan Diini oo xalay uu xilkii ka qaaday Madaxweynaha Hirshabeelle.
Isbedelka ku yimid hoggaanka Guddiga Doorashada Hirshabelele ayaa ka dhashay khilaaf ku saabsan sida loo maareynayo kuraasta ku harsan magaalada Beledweyne, waxaana Guddoomiyihii hore ee SEIT Hirshabaelle uu sababsaday kursiga Hop135 oo ah kursi ay madaxtooyada Soomaaliya u dooneyso in loo xiro musharaxa ay wadato.

