Friday, July 4, 2025

Guddiga Doorashada Somaliland oo shaaciyey qabashada Kuraas muran ka taagan yahay (Akhriso)

Guddiga Doorashada Somaliland ayaa xalay xilli danbe shaaciyay jadwalka doorashada saddex kursi ka tirsan Golaha Shacabka.

Kuraastan oo ka mida kuwii muranku ka taagnaa ee la isku heystay, ayna ku kala qeybsameen siyaasiyiinta iyo Odayaasha kasoo jeeda beelaha Somaliland ayuu Guddigu ku dhawaaqay in lagu dooranayo magaalada Muqdisho 24-ka Janaayo 2022.

Saddexda kursi ee la dooranayo ayaa kala ah:

HOP037

HOP238

HOP244

Kursiga ugu adag ee la isku heysto ayaa lagu sheegay inuu yahay HOP238 oo uu hore ugu fadhiyey Ismaaciil Cabdiraxmaan Sh. Bashiir oo ka tirsan xisbiga Himilo ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif.

Tallaabada uu qaaday Guddiga SEIT Somaliland ayaa ka hor imaaneysa dalabkii Cabdi Xaashi iyo odayaasha uu hoggaamiyo Boqor Cismaan Buurmadow ee ahaa in la joojiyo Doorashada kuraastaasi oo ay ku eedeeyeen inuu boobayo Ra’iisal wasaaraha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON