Guddoomyaha Guddiga Doorashada Heer Federaal ayaa dalbaday in degdeg loo dhaariyo xildhibaannada ay Shahaadada Xildhibaannimo siiyeen Guddiga, si ay uga qeyb galayaan Doorashada Guddoonka Baarlamaanka, dadkoodana u metalaan.
Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha FEIT Muuse Geelle oo sida muuqata ku saabsan xildhibananada shalay iyo maanta lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ayaa lagu sheegay in xildhibaanada la soo doortay, soona qaatay shahaaddada xildhibaanimo ee guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhaariyo.
Arrintan ayaa timid iyadoo la sheegay in xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq uu khilaaf ka taagan yahay, welina aam loo ogolaan in la dhaariyo.
Hoos ka Akhriso Qoraalka Guddoomiyaha FEIT
The Federal Election Implementation Team (FEIT)
Sumad: GHDHF/62/2022 23 April 2022
Ku: Guddiga Xalinta Khilaafaadka
Og: Guddiga Maamulka doorashooyinka Jubaland
Og: Raiisulwasaaraha JFS
Ujeeddo: Dardargelinta Dhametstirka Doorashooyinka G
uddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo kana jawaabaya baahida loo qabo dardargelinta iyo dhameystirka doorashooyinka iyo xaqa ay beeluhu u leeyihiin inay metelaad ku yeeshaan doorashada golaha shacabka:
1. Markuu arkey waqtiga la qabanayo doorashooyinka Gudoonka Golaha Shacabka
2. Markuu arkey baahida loo qabo in xildhibaanada harsan aysan ka harin doorashooyinka
3. Markuu arkey inay waajib tahay inay metaaladooda ay uga qeyb galaan doorashada gudoonka aqalka hoose Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka waxuu goaamiyey:
In xildhibaanada la soo doortay ee ka soo qaatay shahaaddada xildhibaanimo ee guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhaariyo si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah uguna qeyb galaan doorashada guddoonka golaha shacabka ee loo madlan yahay 27 April 2022
Gudoomiyaha Guddiga
Muse Geelle Yusuf
