Guddiga Doorashada heer Federaal ee FEIT ayaa soo saaray natiijada hordhaca ee doorashadii maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo, iyagoo ka reebay kursiga HOP204 oo ay hakiyeen.
Guddiga ayaa diiday inuu aqonsado doorashada maanta ka dhacday Baydhaba ee kursiga HOP204, taasoo uu kusoo baxay wasiirka Amniga Maamulka K/Galbeed, waxayna ku adkeysteen inay doorashadasi tahay waxba kala jiraan.
“Waxaa xusid mudan in kursiga HOP#204 aan loo marin doorashadiisa habraacii saxda ahaa, sidaas darteedna aysan waxba iska beddalin go’aankii hakinta ee ka soo baxay Guddiga FEIT, natiijadiisuna ay tahay waxba kama jiraan” aya lagu yiri Qoraal kasoo baxay Guddiga FEIT.
Kuraasta Guddigui aqoonsaday ee lagu doortay Baydhaba ayaa kala ah:
1. HoP# 172 Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan 2.
HoP# 179 Maxamed Keeroow Maxamed
3. HoP# 181 Maryan Macalin Isaaq
4. HoP# 197 Cumar Cali Balash
5. HoP# 164 Maxamed Abuukar Cabdi
6. HoP# 047 Xaawo Cali Sonkor .