Sunday, June 22, 2025

Guddi khilaaf ka taagnaa Sharciyadiisa oo faraha lasoo galay Doorashooyinka Soomaaliya (Akhriso)

Guddiga Madaxa Bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa oo khilaaf ka taagnaa sharciyadisa ayaa faraha lasoo galay arrimaha Doorashooyinka, kadib war-kii ugu horeeyay ee uu soo saaray Guddigan.

Guddigan oo la dhisay xilligii xukuumadii xilgaarsiinta ee Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, intii aan la magacaabin Ra’iisal wasaare Rooble, isla markaana uu meel mariyey Golaha shacabka oo kaliya ayuu caleemo saaray Madaxweynaha xilligiisa dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Guddigan ayaa hadda sheegay inuu qeyb ku yeelanay Doorashada dowladda federaalka, isla markaasina kaalintiisa ay tahay xaqiijinta xoojinta hannaanka doorasho daahfuran, caddaalad ah oo dimuqraadiyad ku saleysan iyo inuu kormeero maalgelinta iyo kharashaadka siyaasadeed si loo joojiyo ku tagri falka hantida qaranka xilliga doorashooyinka.

Ad

“Guddiga Madaxa Bannaan ee La-Dagaalanka Musuqmaasuqa wuxuu si dhow ula socon doonaa ficillada Guddiyada Doorashooyinka, ergooyinka iyo musharrixiinta si looga hortago nooc kasta oo khaladaad doorasho ah. Guddigu wuxuu hoosta ka xariiqayaa inuu eegi doono dhammaan tabashooyinka ay soo bandhigayaan dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, waxaana naga go’an in Guddigu baaro, isla markaana qaado tallaabooyinka ku habboon ee ka dhanka ah kuwa lagu helo ku takri-falka awoodaha lagu aaminay”. ayaa lagu yiri War-saaxafadeed uu soo saaray Guddiga la isku heysto sharciyadiisa.

Golaha Wasiirada xilka sii-haya oo magacaabay Guddiga La-dagaalanka Musuq-maasuqa (Akhriso Magacyada)

Guddigu wuxuu ka digay ku xadgudubka iyo ku takrifalka hantida qaranka taas oo carqaladeyn xaqa muwaadiniintu u leeyihiin helista adeegyada dowladda ee loo siman yahay. Guddigu wuxuu si adag uga digayaa laaluusha bixinta iyo qaaashada, iibsiga codadka xilliga doorashada lagu jiro, ka hor iyo ka dib doorashooyinka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON