Monday, January 17, 2022

Guddoomiye Waaxeed iyo Haweeney ka tirsan Maamul Degmo oo lagu dilay Magaalada Muqdisho..

Dilal kala duwan ayaa saacadihii ugu danbeeyay ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne, waxaana sheegtay kooxda Alshabaab.

Koox ku hubeysan ayaa xalay toogasho ku dilay Gudoomiyihii Waaxda Kurdamac ee Degmada Dayniile Cabdi Cabdulle Cismaan oo loo yaqaan (Cabdi Juge), kadib weerar lagu qaaday xilli uu ku sugnaa agagaarka Dayniile.

Dilka Guddoomiye Waaxeedka ayaa la sheegay inay geysteen laba dhalinyaro ah oo Bistoolado ku hubeysnaa, waxayna baxsadeen markii ay falka dilka ah fuliyeen.

Ad

Dhinaca kale dabley hubeysan ayaa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku dilay Haweeney la sheegay inay Maamulka Degmadaasi oo magaceeda lagu soo gaabiyey Suldaano, iyagoo goobta ka baxsaday.

Wararka aya sheegaya in Haweeneydan ay ka mid ahayd Guddiga xalinta khilaafaadka maxkamadda degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir oo ay ka howlgeli jirtay.

Isla xalay ayey ahayd markii dabley hubeysan ay magaalada Beledweyne ku dileen guddoomiyihii dhalinyarada Gobolka Hiiraan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

160,867FansLike
2,534FollowersFollow
5,936FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

160,867FansLike
2,534FollowersFollow
5,936FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!