Friday, June 27, 2025

Guddiga Khilaafaadka oo Muddo cusub ku darsaday Baaritaanka Kursiga la isku heysto ee HOP067

Guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashada Dadban oo la filayay inuu go’aan kasoo saaro khilaafka ka dhashay Kursiga HOP067 ayaa muddo dheeraad ah ku darsaday, isagoo sheegay inuu wado baaris.

Kursigan oo uu kusoo baxay agaasimaha KMG ah ee Hay’adda NISA Yaasiin C/llaahi Farey ayaa dacwad adag waxaa ka gudbiyey Odayga saxiixa Kursiga leh, waxaana lagu eedeeyay in si sharcidarro ah loogu boobay ergo aan sax ahayn.

Guddiga ayaa qoraal uu soo saaray ku caddeeyay in dacwadda oo ka dhaxeysa laba dhinac, isla markaana loo baahan yahay baaris qoto dheer in middo 10 maalmood ah loogu daray baarayaasha dacwadda Kursiga HOP067 oo ka bilaabanaysa maanta oo ah 5-ta Novembar 2021.

Baarista Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa caadiyan ahayd inay qaadato muddo toddobaad ah, laakiin kursigan oo xaaladiisu adag tahay ayna dhinac ka yihiin madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madaxa ololaha doorashadiisa Fahad Yaasiin ayaa u muuqda inuu ku adkaaday Guddiga khilaafaadka oo lagu tijaabinayo go’aankooda kursigan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON