Guddiga ee labada Aqal ee Baarlamaanka u saaray diyaarinta Xeerarka dhammeystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaqadii loo xil saaray soo gabgabeeyay, iyagoo maanta yeesahay kulankoodii ugu danbeeyay.
Guddiga ayaa sheegay inay warbixintooda ku saabsane Afarta Xeer ee loo xilsaaray ay u gudbin doonnaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.
Kulanka Guddiga waxaa ka qeyb galay 14 xubnood oo ka tirsan Guddiga wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka u saaray diyaarinta Xeerarka dhammeystirka Sharciga Doorashada Qaranka oo si weyn loo sugayey afarta xeer ee raacsan sharciga Doorashooyinka.


