Sunday, July 13, 2025

Guddiga lagu muransan yahay ee Doorashada oo War aan la fileyn kasoo saaray khilaafka Doorashada

Guddiga lagu muransan yahay ee Hirgelinta Doorashada Heer Federaal oo aan in muddo ah warkiisa la maqlin ayaa war aan laga fileyn oo uu soo saaray ku sheegay inuu guddigu xeerinayo heshiis dhex mara hoggaanka siyaasadda dalka.

Guddigan oo ay ka hor jeedaan qaar ka mida madaxda maamul Goboleedyada iyo Mushariixinta Madaxweynaha ayaa qoralkiisa ku yiri: “Guddiga madaxa bannaan ee Hirgelinta Doorashadu wuxuu markasta xeerinayaa wadajirka iyo heshiis dhex mara hoggaanka siyaasadeed ee dalka heerarkiisa kala duwan, iyadoo uu soo dhaweynayo dadaal kasta oo lagu xallinayo arrimaha taagan ee la xiriira doorashada…”

Guddigu wuxuu sheegay in dalku uu ku jiro xaalad doorasho, ayna sarrayso diyaar garowga loogu jiro doorashada, wuxuuna soo jeediyay iney lagama maarmaan tahay in ay ka dhacdo dalka doorasho, si degdeg ahna loo xalliyo isfaham darrada soo jiitantey ee hakisay in doorashadu ku bilaabato waqtigii loogu tala galay.

Guddigu wuxuu bogaadiyey dadaalladii ugu dambeeyey ee madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, duubabka dhaqanka, bulshada rayidka iyo beesha caalamka ay xalka ugu raadinayaan sidii la isugu fahmi lahaa qabsoomidda doorashada lagu heshiiyey.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON