Monday, July 14, 2025

Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo jawaab culus u diray Wasiir Xoosh [Dhageyso]

Guddiga qaban qaabada Doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa canbaareyn u jeediyey war kasoo yeeray wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Shaacir  oo ka mida Guddiga ayaa sheegay in wasiir Xoosh ku khaldan yahay hadalka uu ku farageliyey howsha gudidooda isagoo la soo xiriirin isla markaana aan ahayn xildhibaan, wuxuuna intaasi ku daray inaysan wax saameyn ah ku yeelan doonin hadalkaasi.

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku shaaciyey in xildhibaannada wasiirada ah ay u tartami karaan xilka guddoomiyaa Golaha Shacabka, iyagoo aan is casilin ayna kaliya xilka weynayaan marka loo doorto Guddoomiye Baarlamaan

Xildhibaan Shaacir ayaa caddeeyay in guddigu yahay mid madax banaan isla markaana Wasiirka Dastuurka aanu soo fargelin karin howshooda.

DHAGEYSO

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON