Monday, June 23, 2025

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada oo doortay Guddoomiye iyo ku-xigeen (Yaa kusoo baxay?)

Xubnaha  Guddiga xalinta Khilaafaadka ee Heer Federaal ayaa maanta doortay Guddoomiye cusub, kadib kulan ay ku yeesheen xarunta Afisiyoone ee magaalada Muqdisho.

Kulanka Guddiga waxaa aadiray 21 xubnood, waxaan Xilka Gudoomiyaha  Guddiga xalinta Khilaafaadka waxa isku soo sharaxay:Cabdilahi Abyan Nuur iyo Cali axamuud Faarax (Cali Zeko)

Natiijada Doorashada gudoomiyaha ayaa noqotay inuu C/llaaahi Abyan Nuur helay 14 cod, halka Cali Maxamuud Faarah ( Cali Zeko) uu helay 7 cod.

Ad

MWaxaa C/llaahi Abyan Nuur sidaas loogu doortay Gudoomiyaha cusub ee Guddiga xalinta Khilaafaadka ee Heer Federaal.

Sidoo kale xilka Guddoomiye Ku-xigeenka oo ay ku tartamayeen musharixiinta kala ah Maxamed Ibraahim Barre iyo Axmed Yuusuf Maxamud ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Ibraahim Barre oo oo helay 15-cod.

Guddoomiyaha wuxuu hore uga tirsanaa Guddigii khilaafka ka dhashay oo uu mar kale madax u noqday, wuxuuna xilal wasiirka cadaaladda iyo arrimaha diinta kasoo qabtay dowladihii hore. Halka guddoomiye ku xigeenka uu soo noqday Guddoomiyaha Gobolka SH/Dhexe.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON