Sunday, July 27, 2025

Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo hakiyey 3 kursi oo loo lagu doortay Muqdisho (Yaa kusoo baxay..?)

Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa hakiyay saddex kursi oo ka mid ah kuraasta Gobolada waqooyi oo dhowaan lagu doortay Muqdisho.

Saddexda kursi ee dacwada laga gudbiyay ayaa kala ah HOP201, HOP209 iyo #HOP211, waxaana go’aan ka gaarista dacwada go’aan laga soo saari doonaa muddo 7 maalmo gudahood ah.

Waxaa dacwadda gudbiyey Suldaan Diiriye Geele Cali iyo Musharax Kheyriya Mohamed Mohamud oo dacwad ka kala qaba guu dahaan kuraasta Beesha degta Awdal iyo kursi gaara.

Kuraasta la hakiyey waxaa kusoo baxay xildhibaannada kala ah: Caasho Koos Maxamuud, C/llaahi Abiib Xaashi iyo Maxamed Xuseen Haadi.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA GUDDIGA

Ku: Gudoonka Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal (GHDHF).
Og: Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Gobolada Waqooyi-Somaliland (GHDGWS).
Og: Golaha Wadatashiga Qaranka.

Ujeedo: Ogaysiin Hakin ku dhawaaqista Natiiijada Rasmiga ah ee Kuraasta Lamberadoodu kala yihiin HOP#201, HOP#209 iyo HOP#211;

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2022, asagoo fulinaya Habraaca lagu dhisay GXKHDD ee soo baxay l-dii Oktoober 2020, wuxuu ku wargalinayaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal (GHDHF) in dacwad laga keenay kuraasta Lambaradoodu kala yihiin HOP#201, HOP#209 iyo HOP#211.

Soo dacwoode: Suldaan Diiriye Geele Cali.
Soo dacwoode: Musharax Kheyriya Mohamed Mohamud.

Haddaba Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2022 Asagoo Gudanaaya Waajibaadkiisa Shaqo ee loo igmaday wuxuu ku wargalinayaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal (GHDHF) in la hakiyo Ku dhawaaqista Natijijada Rasmiga ah ee kuraasta Lambaradoodu kala yihiin HOP#201, HOP#209 iyo HOP#211 laga bilaabo 27/01/2022 inta GXKHDD uu go’aan ka gaarayo dacwada laga soo gubdiyay kuraastaas.

GXKHDD wuxuu baarintaanka cadaymaha, dhagaysiga dhinacyada ay khusayso dacwadu, iyo go’aan ka gaarista dacwada ku dhamaystiri doonaa muddo todobo (7) maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa 27/01/2022,waxayna go’aanka ugu gudbin doonaan soo dacwoodayaasha iyo dhamaan dhinacyada ay khuseyso muddo afar iyo labaatan saacadood (24) gudahood ah oo ka bilaabanaysa marka go’aanka la gaaro.

Ugu dambayn, GXKHDD wuxuu ku wargalinyaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka ee Heer Federaal (GHDHF) iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Gobolada Waqooyi-Somaliland in ay si dhaw ula shaqeeyaan xubnaha GXKHDD ee dacwadan gacanta ku haya si loo helo xog dhameystirsan oo lagu go’aan qaadan karo isla markaana dhawraan waqtiyada dhagaysiga dacwada ee lagu qeexay habraacyadii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka.

Maxamed Cawil Warsame
Gudoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashooyinka Dadban

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON