Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ayaa soo saaray cawa qoraal uu ku hakinayo Qabashada Doorashada 4 kursi oo ka mida Golaha Shacabka, laguna dooran lahaa Muqdisho.
Kuraasta la hakiyey ayaa waxay kala yihiin: HOP#246, HOP#264, HOP#224 iyo HOP#242. Waxayna arrintan ka danbeysay markii ay dacwad ka timid saddex Suldaan oo kuraastaasi saxiixooda lahaa, balse la baal maray.
Qoraalka hoos ka akhriso
Ujeedo: Ogaysiin Hakin Qabashada Doorashada Kuraasta Lamberadoodu kala yihiin HOP#246, HOP#264, HOP#224 iyo HOP#242.
Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2022, asagoo fulinaya Habraaca lagu dhisay GXKHDD ee soo baxay i-dii Oktoober 2020, wuxuu ku wargalinayaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal (GHDHF) iyo Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Gobolada Waqooyi-Somaliland in dacwad laga keenay kuraasta Lambaradoodu kala yihiin HOP#246, HOP#264, HOP#224 iyo HOP#242.
Soo dacwoode: Suldaan Maxamed Suldhaan Xasan Suldaan Bulbul
Soo dacwoode: Suldaan Caydaruus Saalax Ibraahim
Soo dacwoode: Suldaan Siciid Diiriye Maxamed
Haddaba Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2022 Asagoo Gudanaaya Waajibaadkiisa Shaqo ee loo igmaday wuxuu ku wargalinayaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal (GHDHF) iyo Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Gobolada Waqooyi-Somaliland in la hakiyo qabashada Doorashada kuraasta Lambaradoodu kala yihiin HOP#246, HOP#264, HOP#224 iyo HOP#242 laga bilaabo 15/02/2022 inta GXKHDD uu go’aan ka gaarayo dacwada laga soo gubdiyay kuraastaas.
GXKHDD wuxuu baarintaanka cadaymaha ee saxsaanta odayaasha soo xulaya ergada, kala shaandhaynta ergada, dhagaysiga dhinacyada ay khusayso dacwaduhu, iyo go’aan ka gaarista dacwadaha ku dhamaystiri doonaa waqtiga ugu haboon oo ka bilaabanaysa 15/02/2022, waxayna go’aanka ugu gudbin doonaan soo dacwoodayaasha iyo dhamaan dhinacyada ay khuseyso muddo afar iyo labaatan saacadood (24) gudahood ah oo ka bilaabanaysa marka go’aanka la gaaro.
Ugu dambayn, GXKHDD wuxuu ku wargalinyaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka ee Heer Federaal (GHDHF) iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Gobolada Waqooyi-Somaliland in ay si dhaw ula shaqeeyaan xubnaha GXKHDD ee dacwadan gacanta ku haya si loo helo xog dhameystirsan oo lagu go’aan qaadan karo isla markaana dhawraan waqtiyada dhagaysiga dacwada ee lagu qeexay habraacyadii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka.
Mahadsanidiin, Wada Shaqeyn Wacan.
Maxamed Cawil Warsame
Gudoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashooyinka Dadban (GXKHDD)
