Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashada ayaa soo saaray shuruudaha iyo xilliga la dooranayo Guddoomiyaha cusub ee Guddiga oo ka mid ahaa xubno laga saaray Guddiga.
Qoraal ay soo saareen guddiga qabanqaabada Doorashada Guddomiyaha ayaa soo saaray shuruudaha hoos ku qoran, iyadoo caddeeyay in Doorashada ay Khamiista ka dhaceyso xarunta Afisyone.
HOOS KA AKHRISO SHURUUDAHA
Taariikh:18/01/2022
Ujeeddo: Shaacinta Jadwalka Doorashada Gudoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafadka Doorashada Dadban.
Guddiga loo xilsaaray qabanqaabadda Doorashadda shir-gudoonka Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal waxa ay soo sareen Shuruudaha Murashaxnimo iyo Jadwalka doorashada.
Shuruudaha Murashaxnimo.
1- Waa inuu yahay xubin ka mid ah Guddiga Xallinta Khilaafadka Doorashada dadban.
2- Gudoomiye ku xigeenka guddigu hadii uu u tartamayo jagada bannaan ee gudoomiyaha GXKHDD waa in uu iska casilaa xilka.
3. Mudada qabashada araajida musharaxnimuda waxey ka bilaabaneysaa 18-01-2022 sacadu marka ay tahay 9:00 pm waxeyna ku egtahay 19-01-2022, 9:00 pm.
Nidaamka Cod bixinta.
1- Cod bixintu waa Qarsoodi.
2- Waxa lagu codaynayan sanduuqa codbixinta.
3- Hadii ay tar-tamaan 3 murashax iyo ka badan waxaa wareega koowaad lagu kala guulaysanayaa 50+1 ee tirade guud ee gudiga oo ah 21 xubnood. tusaale murashaxa hela 11 cod iyo ka badan ayaa ku guulaysanaya tartanka.
4- Waxa ay doorashadu dhacaysaa maalinta Khamiista ee ku beegan 20/1/2022 saacadu marka tahay 11:00am
5- Goobta codbixintu waa Teendhada Afisyooni.