Wednesday, June 25, 2025

Guddigii Aqalka Sare ee Galmudug Qoraal Rajo xambaarsan kala soo laabtay Madaxweyne Xaaf (Sawirro)

Wafdigii Guddiga Aqalka Sare ee Baarlamaanka u diray Magaalada Dhuusamareeb ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, iyadoo galabta laga sagootiyay magaaladasi oo muddo dhowr maalmood ah ay ku sugnaayeen.

Wadahadallo dheer oo ku saabsan xaalada Galmudug iyo khiaafka kala qeybiyey madaxda Galmudug, waxaa wafdiga loo gacan geliyey qoraal ku saabsan mowqifka madaxweyne Xaaf ee khilaafka ka taagan xaaladda Galmudug iyo muranka kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxaan kulan sagootin ah u sameeyay wafdi ka socday Aqalka Sare oo uu hogaaminayo Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa waxaana iska wareysanay xaaladaha Maamulka Galmudug, Waxaan Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ku wareejiyay Document ay ku qoran yihiin waxyaabaha uu Maamulka Galmudug ka tabayano Dowlada dhaxe iyo in loo baahanyahay in dowlada iyo Maamul Goboleedyada arintooda la dhameeyo oo xal laga gaaro..” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Dhinaca kale waxaa safarkooda Galmudug ak hadlay Senator Cabdi Xasan Dhuxulow oo yiri: “Waxaan soo gabagabeynay safarkii aan ku tegnay deganada Galmudug iyo kulamadii aan la lahayn Madaxda dowlad Goboleedka Galmudug. Waxaan Aqalka sare la wadaagi doonaa xog sugan oo wax ku ool ah taasi oo ka turjumeysa xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Dowlad Goboleedka Galmudug iyo qodobadii aan isla soo meel dhignay..”

Wararka aya sheegay in madaxweyne Xaaf uu diyaar u yahay xal laga gaaro maamulka Galmudug dhexdiisa iyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka, haddii loo fuliyo saddex qodob oo kan ugu muhiimsani uu yahay hirgelinta heshiiskii Ahlu suna iyo Galmudug oo u damaanad qaadaya muddo xileed cusub iyo arrimo dhaqaale oo dowladda Federaalka uga xiran.

 

Image may contain: 5 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 4 people, people sitting and table

Image may contain: 1 person, sitting and indoor

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON