Tuesday, July 1, 2025

Guddigii Doorashada Dowladda ee la isku khilaafsanaa oo 6 Bil kadib la kala diray & dhaqaalihii oo laga jaray

Guddigii la isku khilaafsanaa ee Doorashada oo ay dhistay xukuumadda Federaalka ayaa caawa la kala diray, kadib xaflad uu u qabtay ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed.

Guddigan oo tan iyo intii la dhisay la isku heystay ayaan wax shaqo ah qaban, marka laga reebo seminaaro la siiyey, waxayna dowladda ku bixisay dhaqaale far badan, iyagoo lagu biilayey Hoteelo qaali ah oo ay ku jireen, waxaana arrintooda la soo gabagabeeyay caawa, markii ay xilka kororsadeen Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Aqalka hoose Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuumadda xilgaarsiinta ayaa kulan sagootin iyo afur ah la yeeshay madaxdii guddiyada Doorashooyinka heer federaal & heer dawlad goboleed & Guddiga Khilaafaadka. Wuxuuna uga mahad celiyay dedaalkii dheeraa ee ay muujiyeen muddadii 6-da bilood ahayd ee ay jireen

Xubnaha Guddigan oo ay ku jiran shaqaale dowladeed iyo saraakiil ciidan oo ay soo xusheen madaxda dowladda ayaa wargeliyay in Hoteelada iyo Guryihii ay deganaayeen ay isaga guuraan ugu danbeyn 25ka bishan April.

May be an image of 1 person, sitting and suit

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON