Sunday, February 5, 2023

Beesha Hawiye oo shaacisay inaysan Madaxweyne u aqoonsaneyn Max’ed Farmaajo, una digtay Saddex Taliye

War-murtiyeed laga soo saaray shirweynihii beelaaha Hawiye ee maanta ka dhacay Muqdisho ayaa sharci darro ka dhigay muddo kororsigii Maxamed C/llaahi Famraajo iyo Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka.

Shirka oo ka qeyb galeen odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, Musharxiiinta iyo qeybaha kala duwan beesha ayaa qodobkiisa koowaad lagu diiday muddo kororsiga.

“Inay sharci darro tahay muddo kororsiga qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka muddo xileedkiisu dhamaaday u kordhiyeen madaxweynihii hore ee muddo xileedkisiu dhammaaday, sidaas darteed shirweynuhu madaxweyne uma aqoonsana Maxamed C/llaahi Farmaajo” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka oo si cad loogu sheegay in laga hortegayo muiddo kororsigaasi.

Ad

Shirweynaha ayaa loogu digay agaasimaha NISA, Taliyaha Booliska iyo Taliyaha ciidamada Dhulka oo si gaara ugu shaqeynaha muddo kordhinta Maxamed Farmaajo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,969FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!