Gudgigii ugu horeeyay ee Doorashada Dadban 2022 ayaa soo dhammeeyay Doorashada xildhibaannada degaan doorashadiisa, ka hor xilliga loo qabtay ee 25-ka Febraayo 2022.
Guddiga Doorashada Gobollada Waqooyi (Somaliland) ayaa maanta soo gabagabeeyay doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee kasoo jeeda Gobollada Waqooyi, isagoo noqday guddigii ugu horreeyay ee doorashada soo afjaray.
Guddigan SEIT Somaliland ayaa soo saaray Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka ku matalaya Somaliland oo gaaraya 57 xubnood, iyadoo lagu doortay caasimadda Muqdisho.
Inta badan kurasta gobollada Waqooyi ayaan tartan ka dhicin, waxayna xildhibaannada intooda badan kusoo baxeen gacantaag, taasoo ka mida cilladaha badan ee ay yeelatay doorashada 2022 oo ay hareeyeen musuq iyo daah furnaan la’aan.
Xaflad lagu soo xirayo Doorashada Somalilamd ayaa waxaa goor dhow ka qeyb galay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo ku-xigeenkiisa Mahdi Guuleed.
Rooble ayaa hambalyeeyay xildhibaannada cusub, wuxuuna ku ammaanay guddiyada doorashada Somaliland (SEIT) iyo Heer Federaal howsha adag ay qabteen iyo in ay doorashada ku soo dhammeeyeen ka hor xilligii loo asteeyay.
