Guddiyada Difaaca, Arrimaha Gudaha & Amniga ee Baarlamaanka Federaalka soo saaray dib u eegis ay ku sameeyaan Qorshaha amniga Qaran ee dalka oo la geynayo shirka London.
Warbixinta labada guddi ayaa lagu soo daray kulankii dhex maray labada guddi iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre , waxaana lagu soo bandhigay qaab dhismeed cusub oo loo wajahayo ciidamada qalabka sida.
Qorshahan ayaan la ogeyn in xukuumadu la tegi doonto shirka London iyo in midkeedii hore ay ku socon doonto xilli ay dantay doodii ku saabsaneyd dhismaha ciidamada Soomaaliya ay qorshihiisa diyaariyeen dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka oo kaashanaya la-taliyeyaasha amniga ee madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA