Sunday, June 29, 2025

Guddiyada Doorashooyinka oo ku dhawaaqay inay joojiyeen Doorashadii (Qoraal lama filaan ah)

Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa ku dhawaaqay inay hakiyeen Doorashadii Dadbaneyd, iyadoo dacwad ka qaba sida loola dhaqmay xubno ka tirsanaa Guddiya xalinta Khilaafaadka oo Ra’iisal wasaaraha uu xilalkii ka qaaday.

Qoraalka ayaa lagu dalbaday in lagu caddeeyo xasaanadda xubnaha Gudiyada iyo sida ay xubinnimadooda ku weyn karaan, iyagoo ka hor yimid sida ciidamada iyo awoodda loogu adeegsaday xubnihii Guddiga xalinta khilaafaadka; waxayna arrintan u muuqataa in culeys lagu saarayo Ra’iisal wasaaraha.

Waxay sheegeen inaysan sii wadi karin doorasho uu ka maqan yahay Guddiga Xalinta Khilaafaadka, isla markaana inta laga saxayo arrinta Guddigan ay hakinayaan Doorashada oo dhan.

Waxaa qoraalka ku saxiixnaa Guddiga Heer Federaal iyo guddoomiyeyaasha 7 Guddi uu Doorasho. Waxaa qoraalkan faafiyay xubno ku xiran Madaxtooyada Soomaaliya oo ka mida Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, iyadoo la sugayo jawaabo rasmi ah.

HOOS KA AKHRISO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON