Sunday, February 5, 2023

C/raxmaan C/shakuur oo u jawaabay Madaxweynaha Puntland. “Maxaa diidaya in la dhiso Gole Qaran oo..”

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mida Midowga Musharixiinta ayaa u jawaabay Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo arrin halis ah ku tilmaamay Gole badbaado oo ay soo jeediyeen in la dhiso qaar ka mida Musharixiinta.

Siciid Deni ayaa magaalada Baydhaba ka sheegay hadal digniin ah, isagoo yiri: ” Kuwa dhahaya nidaamkan ha la iska daayo oo Golayaal hala sameeyo waa dad raba in ay Teendhadii Carta ay dalkan ku celiyaan waana Khatar. Fikirkaas anigu wan ka digayaa, laakiin wixii khaldan in la saxo ayaa loo baahan yahay…” ayuu yiri Siciid deni oo hadalkiisu si toos ah ugu socday xubno ka mida Midowga Musharixiinta.

C/raxmaan C/shakuur oo ka mida musharixinta ku baaqay dhismaha Golaha laga digay ayaa qoraal uu ugu jawaabay Madaxweyne Deni ku yiri: “Haddii shalay Golihii Badbaado Qaran loo dhisay in lagu hor istaago muddo kordhintii Farmaajo, qaar ka mid ah Dawlad Goboleedyada iyo guddoomiyaha Aqalka Sare qayb ka ahaayeen, maanta maxaa diidaya in la dhiso Gole Qaran oo boobka doorashada looga soo horjeedo?”.

Ad

Wuxuu sheegay in Golaha cusub looga fursan karo in la qabto doorasho hufnaan iyo daahfuran leh oo natiijadeeda lagu qanco.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,969FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!