Guddiga Doorashada heer Federaal ee ay magacawday xukuumadda Soomaaliya ayaa galabta magacaabay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.
Guddigan oo weli ku xareysan Horelka ugu qaalisan Caasimadda ee Decale, kuna dhex yaalla Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa iska dhex doortay Guddoomiye, kaasoo lagu magacaabo Maxamed Xasan Maxamed oo helay 17 cod.
Guddoomiyaha Guddiga ayaa ka mid ahaa xubnihii uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo, isagoo kasoo jeeda Gobalka Sool; waxaa sidoo kale guddoomiye ku-xigeen loo magacaabay Mowliid Mataan, markii uu tanaasulay ninkii la tartamayey.
Tallaabadan ayaa imaaneysa iyadoo ay Guddiyadan ka maqan yihiin min 4 xubnood oo ay soo magacaaben Jubbaland & Puntland. Waxaa kaloo muuqata inay dowladda federaalka iska dhega tirtay baaqii iyo cabashadii Musharixiinta iyo ururrada bulshada.
GUDDOOMIYAHA
GUDDOOMIYE KU XIGEENKA