GUddoomiyah Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa beeniyay wararka sheegaya in heshiis laga gaaray Guddiyada Doorashada Somaliland ee ay magacawday xukumadda.
Cabdi Xaashi ayaa sheegay in magaalada Gorowe lagu garay is-afgarad guud oo ku saabsan reer waqooyigu isu yimaadaan oo heshiis laga gaaro arrimaha Doorashada iyo cidda u metelaysa Guddiyada, taasina aysan weli bilaabin oon la iska arin.
“Waan maqlay wararka sheegaya in 4 xubnood la iga siiyay Guddiga, waxaasi waxba kama jiraan, mana aqaan meel ay ka keeneen, ciddii sheegtay ayaa la weydiinayaa..” ayuu yiri Cabdi Xaashi oo u warramay mid ka mida Idaacadaha Muqdisho.
Waxaa Baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkeed ay faafiyeen heshiis la sheegay inay gaareen Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka oo ku saabsan in 8-da xubnood ee Guddiga Doorashada Somaliland 4 xubnood uu soo magacaabo Cabdi Xaashi.
