Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay, isla markaana dalbaday in la joojiyo shir uu qabanqaabinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Baydhaba.
Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi oo loo kala diray madaxweynayaasha maamul Goboleedyada iyo guddoomiyeyaasha Baarlamaanka maamullada oo la ogeysiiyay madaxda dowladda Federaalka ayuu ku caddeeyay inuu yahay sharci darro.
Cabdi Xaashi ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dhismaha madasha guddoonad Goleyaasha sharci dejinta ay tahay mid lagu wiiqayo Aqalka sare, laguna burburinayo Federaalka. isagoo arrimo badan ku eedeeyay Golaha Shacabka oo ah qaadasha awoodii golaha Sare.
Arrintan ayaa bilow u ah isku dhacii ugu horeeyay ee ka dhex abuurma labada aqal ee Baarlamaanka xilli Aqalka sare aanu lahayn qorshe cad oo uu ku shaqeeyo marar badanna isku dayay inuu qaato howshii Golaha Shacabka.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA GUDDOOMIYAHA AQALKA SARE