Friday, July 11, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo shaaciyey in Mooshinkii Madaxweyne Waare laga laabtay

Waxaa caawa magaalada Jowhar looga dhawaaqay in mooshinkii laga keenay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ay dib uga laabteen xildhibaanadda.

Kulan caawa ka dhacay xarunta Madaxtooyada Hirshabelle ayuu ka shaaciyey Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Cismaan Maxamed Barre in Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ay ka tanaasuleen, kana laabteen Mooshinki ay dhowaan ka gudbiyeen Madaxweynaha.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xildhibaannada Mooshinka waday ay fiiriyeen Danta guud ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle, isla markaana ay ka noqdeen Mooshinkii, iyadoo halkaasi lagu dhammeeyay mooshinkaasi.

Kulanka arrintan looga dhawaaqay waxaa ku sugnaa Madaxweynaha Hirshabelle, Madaxweyne Ku Xigeenka, Guddonka Baarlamanka, Wasiirada iyo Xildhibaannada maamulka Hirshabeelle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON