Monday, July 14, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo maanta hortegaya Golaha Shacabka & Arrin yaab leh

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa maanta hortegaya Golaha Shacabka Soomaaliya, isagoo hhudbad u jeeka horjeediyo xildhibaanada Golaha Shacabka.

Guddoomiye Xamoud oo dhowaan xilkaasi qabtay, kana soo jeeda dadka Cafarta ah ayaa waxaa yaab leh inuusan Soomaaliya si fiican u aqoon oo uu ku hadlo afafka Cafarta iyo Faransiiska, taasoo dadka yaqaana ay aad ugu yar yihiin Baarlamaanka dhexdiisa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti oo Khamiistii soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa isla shalay socdaal ku tagay Magaalada Baledweyne oo ay joogaan Ciidamada Hiil walaal ee dalka Jabuuti, iyadoo uu wehliyo  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo ku xigeenka labaad Mahad Cawad.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa Arbacadii ka dalbaday xildhibannada Barlamaanka inay si buuxda uga soo qeyb galaan kulanka maanta oo ah fadhi aan caadi ahayn, gebi ahaantiisna lagu maamuusayo guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON