Sunday, July 13, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo joojiyay Qorshe ay wadatay xukuumadda Kheyre [Akhriso]

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa joojiyay in guddoonka uu qabto hindise sharciyeed kale oo ka yimaada xukuumadda Soomaaliya.

War uu ka jeediyay golaha sahcabka gabagadii fadhigii shalay ayuu ku sheegay in 11 sharci ay hadda hayaana isla markaana sida uu dhigayo qodobka 42aad ee xeer hoosaadka Baarlamaanka aan la qaban doonin sharci kale inta uu socdo kalfadhigan.

Hindise sharciyeedyada fara badan ee Baarlamaanka ay u gudbineyso xukuumadda ayaa ujeedkoodu ahaa in xildhibaanada looga mashquuliyo mooshin ay ka keenaan xukuumadda iyo inay hals geliyaan jiritaankeeda.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka war hayaan guuxa shacabka ee arrinta C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari)
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari)

Wuxuu ka codsaday in Shacabka ay is dejiyaan oo ay ku kalsoonaadaan Xildhibaanada Golaha Shacabka oo gacanta ku haya kiiska, maadaama ay metelaan shacabka.

“Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan mar labaad aan ku celiyo, waan idin maqalnay, Gole ayaan leenahay, kuna kalsoonaada Wakiiladiina, xasiloonida hala ilaaliyo.” ayuu yiri guddoomiye Jawaari.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON