Guddoomiyaha Baarlamaanka oo soo dhoweyn yaab leh ka helay xildhibaannada Mucaaradka ah [Daawo]

Xildhibannada ka horjeeda xukuumadda Soomaaliya ee mucaaradka ah ayaa si weyn isugu soo baxay maanta soo dhoweynta Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh oo dalka ku soo laabtay kadib safar arrimo shaqsi ah oo uu ku joogay dalka Turkiga.

Xildhibaannada buuxiyey soo dhoweynta Guddoomiye Mursal ayaa waxaa ugu horeeyay xubnaha ka tirsan xisbiga uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh, waxayna si weyn uga dhex muuqdeen doo dhoweyntiisa.

Dhinaca kale xukjuumadda ayaa soo dhoweyntiisa qeyb ka ahayd, iyadoo u dirtay Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo xubno kale, halka ay soo dhoweynta hoggaaminayeen guddoomiye ku xigeennada Baarlamaanka.

Inkastoo aanay ahayn markii ugu horeysay ee uu dhoofo ama dalka ku soo laabto Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhoolatuska soo dhoweyntiisa maanta loo arkaa kala jiidasho koox waliba dooneyso inuu dhinacooda soo maro guddoomiyaha oo la ogyahay in imaanshaha xilka ay ka danbeyeen madaxda dowaldda Federaalka.

DAAWO

Image may contain: 4 people, people standing

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

Image may contain: one or more people, people standing, sky and outdoor

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

112,043FansLike
622FollowersFollow
2,592FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

112,043FansLike
622FollowersFollow
20FollowersFollow
2,592FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!