Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh iyo wafdi Xildhibaano ah ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.
Wafdiga Guddoomiyaha oo ay ka mid yihiin Habdhowraha Xildhibaan Sharma’arke Garaad Suleymaan iyo Xildhibaan Samiira Xasan Cabdulle oo ah marwadiisa waxaa garoonka diyaaradaha Jen. Maxamed Abshir ee Magaalada Garowe kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha golaha wakiiladda Puntland C/xakiin Dhoobo-Daareed iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland.
Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in ujeedka socdaalkiisa magaalada Garowe ay tahay ka qeyb galka Xuska aasaaska Dowlad Goboleedka Puntland iyo sidoo xeritaanka fadhiga 44-aad ee golaha wakiilada Puntland.




