Friday, April 26, 2024

Guddoomiyaha Degmada Xamar-jajab oo shaqo joojin lagu sameeyay (Akhri sabab yaab leh)

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in shaqadii laga joojiyey guddoomiyaha degmada Xamarjabab ee Gobolka Banaadir Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Orongo) oo muddo ka yar 3 bilood xilkaasi hayey.

Guddoomiyaha oo ka mida mas’uuliyiinta ugu firfircoon maamulka G/banaadir ayaa la sheegay in shaqo ka joojintiisa ay sababtay markii uuwarbaahinta u ogolaaday in muuqaallo ka qaataan Qaraxii ka dhacay Albaabka Dugsiga tababarka Booliska ee Gen. Kaahiye.

Go’aan kasoo baxay taliska booliska ayaa iska habeenkii qaraxu dhacay ee 4 April shaaciyey inaan saxaafadda loo ogolaan doonin inay tagto goobaha qaraxa ugu yaraan xilliyada hore.

Ad

Guddoomiyeyaasha G/banaadir ayaa si joogto ah xilalka looga joojiyaa, loogana qaadaa iyadoo sababo kala duwan loo yeelayo, waxaana weli la xusuustaa qaabkii shaqada looga qaaday guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON