Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa beeniyey warar looga faafiyey baraha bulshada oo ku saabsanaa inuu u jawaabay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha maamulka G/Banaadir ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha G/Banaadir aanu ka hadlin, isla markaana ama faallo ah kasoo saarin shirkii jaraa’id ee uu qabtay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.