Wednesday, June 25, 2025

Guddoomiyaha G/Banaadir oo Qaar ka mida Shaqaalaha Maamulkiisa ugu hanjabay Maxkamadeyn [Akhriso]

Guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow) oo dib ugu soo laabtay Muqdisho, kadib markii uu ku laabtay dalka Ingiriiska oo qoyskiisa degan yihiin ayaa ugu hanjabay shaqaalaha maamulka dowladda hoose maxkamadeyn.

Yasiisow oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in wixii xiligaan ka dambeeya lala xisaabtami doono shaqaalaha gobolka Banadir, ciddii lagu helo inaysan si sax ah u shaqeynin  l;oo gudbin doono hay’adaha Garsoorka si loola xisaabtamo.

“Gobolkaan ma xamili karo shaqaale aan shaqeynin, waxaan bilaabi doonaa isla xisaabtan dhab ah, shantii bilood ee la soo dhaafay shaqaalihii lagu helo in uusan shaqeynin mushaarna qaatay waxaan lala tiigsan doonaa sharciga, iyadoo laga soo soo celin doono mushaarkii uu qaatay”. ayuu yiri Guddoomiye Yariisow

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Eng.Yariisow ayaa Agaasimayaasha iyo laamaha kala duwan ee gobolka faray in howshaas ay dardar geliyaan si meesha looga saaro qof isagoo aan sahqeyn mushaar qaata.

Amarrada is daba jooga ah ee guddoomiyaha G/banaadir ayaa loo aaneynayaa haddalo suuqa u maray oo ah inuusan awood lahayn, isagoo taas jawaab uga dhigay inuu si joogto oo amarro u soo saaro.

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON