Sunday, July 13, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka badbaaday Weerar Alshabaab ku qaadeen Kolonyo uu la socday

Maleeshiyada Alshabaab ayaa saaka weerar dhabo-gal ah ku qaaday kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeylte Cismaan oo ku sii jeeda degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Weerarka ayaa sheegaya in weerarka uu ka badbaaday guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, iyadoo lagu dilay 4 ka mida Alshabaab, qaar kalena lagu dhaawacay, halka Alshabaab ay sheegtay in 3 askari ay ku dishay weerarka.

Dagaalka labada dhinac dhex maray oo socday muddo ka badan Nus Saac ayaa ka sheegay in markii dambe laga awood roonaaday maleeshiyadii  Alshabaab iyadoo wafdiga guddoomiyaha Hiiraan ay gaareen degmada Maxaas.

Saraakiisha la socota guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inuu hal askari uga dhintay weerarka, qaar kalena uga dhaawacmeen, balse ay qasaare weyn gaarsiiyeen Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON