Friday, July 4, 2025

Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ka hor yimid Ceyrintii RW Rooble ee Francisco Madeira

Moussa Faki oo la saftay Maxamed Farmaajo oo gacan ka helaya Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika,Moussa Faki Mahamat, ayaa ka hor yimid go’aankii Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ka qaatay Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, isgoo sheegay inuu kalsooni ku qabo shaqadiisa.

Mousa Faki oo qoraal soo saaray ayaa walaac ka muujiyay War-Saxaafadeed dhawaan ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kaasi oo ku saabsanaa xaaladda Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa soo xigtay warqadda ku taariikhaysan 7 Abriil 2022 ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo difaacay Wakiilka Francisco Madeira, kana xumaaday soo saarista war-saxaafadeedka Ra’iisal wasaaraha.

“Guddoomiyuhu wuxuu dib u xaqiijinayaa kalsoonida buuxda iyo kalsoonida uu u qabo Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Madeira wuxuuna ku celinayaa sida ay Midowga Afrika uga go’an tahay sii wadista dadaalka ay ku taageerayaan Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si ay ugu dadaalaan soo celinta nabad waarta, amni iyo xasillooni” aya lagu yiri qoraalka Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Waa tallaabo ku cusub diblomaasiyadda Midowga Afrika inay la safato dhinac ka mida dowlad xubin ka ah oo uu khilaaf ka jiro, taasoo salka ku heysa saameynta Farmaajo oo kaashanaya Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON