Sunday, June 22, 2025

Guddoomiyaha Mudug ee Puntland oo si kulul ugu jawaabay Odayaashii Beesha Deyniile ee u hanjabay…

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland C/ladiif Muuse Sanyare ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal kasoo yeeray Odayaal reer Muqdisho ah oo si adag u dhaliilay garsoorka Puntland iyo xukunka dila ah ee lagu fuliyey rag kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

Guddoomiya Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa weydiiyey odoyaasha qaabka qabiil ugu doodaya ragga Shabaabnimada lagu helay halka ay ku ogaayeen raggaasi, markii ilaa sanadkii 2012 Gaalkacyo la keenaye ee Hiliblayaasha laga dhigay, loona dhiibay Bistooladaha ay dadka ku leynayeen.

“Qolyo ayaa Xamar ka lahaa wiilal baa nalaga maxkamadeeyay.. Wiilasha xagee ku ogeyd, marka hore maa ceshatid..?. xagee ku ogeydeen ilaa 2012-dii bay Gaalkacyo yimaadeen… nin ay 2012 ugu danbeysay baa Shabaab ku yiri; Shir jaraa’id qabta…” ayuu yiri Guddoomiyaha Mudug oo si cad u sheegay inaysan jirin qof Alshbaab ah oo la sii deynayo.

Ad

Wuxuu sheegay in wax kastoo dhaca aan la cafineynin qof Shabaab ah oo dil geystay: “Ama af qabiil ugu hadla ama af Ahabaab ugu hadla… Qabiil meeshaan ma joogo… cid Alle ciddii uu yahay haddii aan ku helno Shabaab inuu yahay Xash-ka ayaa la geynayaa… Dembiile Shabaab ah oo wax dilay intaan qabanno, qabiil usii deyn meyno, ama ha qeyliyaan ama ha oriyaan ama boqol qof ha dilaan… Dadka qeylinaya Shabaab baa adeegsanaya..”.

C/ladiif Muuse Sanyare ayaa sidoo u tilmaamay Odayaasha in beelaha qeylinaya inay ka aargoostaan Alshabaabka jooga Sh/hoose iyo Koonfurta, balse aysan isku dayin inay arrinta u bedelaan qabiil.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON