Friday, April 19, 2024

Guddiga Doorashada Somaliland, Garabka Cabdi Xaashi oo doortay Guddoomiye iyo ku-xigeen (Akhriso)

Guddiga Doorashada Somaliland, qeybta uu magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa doortay Guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.

Xubnaha Gudiga Doorashada Soomaliland ee SEIT Garabka Cabdi xaashi oo ah 4 xubnood ayaa Gudoomiye u doortay Suleymaan Ceydiid Cismaan, halka guddoomiye ku xigeen u doorteen. C/shakuur Abiib Xayir.

Guddoomiyaha Garabkan Suleymaan Ceydiid ayaa sheegay inaan lasoo ogeysiin, isla markaana ka war heynin doorashada ay maanta sameeyeen qeybta uu magacaabay Mahdi Guuleed, ayna arrintaasi tahay dhacdo la yaab leh.

Ad

“Waxaan xaq u lahayn inaan doorashada ka qeyb galno, waxaana aragnay iyadoo doorahsadaas qeybta ah lasoo dhigay bogga Guddiga Doorashada Qaranka, iyadoo aan naloo sheegin” ayuu yiri Suleymaan Ceydiid.

Guddiga Doorashada Somaliland ayaa hadda u kala jabay kala qeybood oo kala raacsan Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Ra’iisal wasaare k xigeenka otaageero ka helaya Ra’iisal wasaare Rooble.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON