Saturday, July 5, 2025

Guddoomiye Degmo oo lagu dhaawacay Dagaal ka dhacay Muqdisho iyo Faahfaahin lag helay

Guddoomiyihii degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa lagu dhaawacay dagaal caawa ka dhacay magaalada Muqdisho oo dhex maray ciidamada Amniga iyo ilaalo uu watay uu guddoomiyaha.

Iska hor imaadka ayaa ka dhacay Isgoyska Siinaay, wuxuuna dhex maray ilaalada Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Suleymaan Maxamuud Fargax iyo ciidamada Amniga NISA ee Warran loo yaqaan goobtaasi ku sugan.

Rasaas daqiiqado socotay oo labada dhinac ay is weydarsadeen ayaa waxaa ku dhaawacmay Guddoomiyah degmada Yaaqshiid, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday askar iyo dad shacab ah, waxaana la gubay Gaari ka mida kuwa Guddoomiyaha iyo Gaari siday Gaas cuntada lagu kariyo oo Qoriga Baasuukaha uu qabsaday, kaasoo geystay qasaare badan.

Wararka ayaa sheegaya in dhaawaca guddoomiyaha Yaaqshiid uu yahay mid aan cusleyn, iyadoo lagu daweynayo Isbitaalka Digfeer, waana markii labaad ee ciidamada ku usgan Isgoyska Siinaay dagaal dhiig ku daatay la galaan ciidamo ay wataan saraakiil iyo mas’uuliyiin dowladeed.

Dadka ku dhintay iska hor imaadka ayaa gaaraya ayaa ka badan 5 qof, halka 8 kale ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhintay ka mida Darawal wada Gaariga Gaaska siday oo gebi ahaan gubtay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON