Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa la hoos geeyay qeyb ka mida ciidamada Soomaaliya ee sugi doona ammaanka Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Qodob arrintan ku saabsan oo ka mid ahaa qodobadii kasoo baxay shirkii labada Aqal ee maanta ka dhacay Muqdisho ayaa u qornaa sidatan:
“In ciidamada ammaanka ee xaqiijinaya nabadgelyada Doorashada Madaxweynaha ay ka amar qaataan Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.”
Arrintan ayaa qeyb ahaan loo fasiri kaaa inay jirto kalsooni darro ku saabsan in madaxweynaha xilka sii haya ee Xasan Sheekh Maxamuud uu galaangal ku yeesho ciidamada, waxayna ahayd dacwad iyo cabasho ay musharixiin badan hordhigeen Guddoomiye Jawaari.
Ciidamada qaabilsan Doorashada oo ah Booliska, iyadoo doorashadu la filayo inay ka dhacdo xarunta Dugsiga Sare ee Booliska, kama dhigna in Guddoomiye Jawaari loogu yeero ama u noqday kusime madaxweyne.
Madaxweynaha xilka sii haya ayaa madaxweynaha la doorto xilka ku wareejin doona ama loo dhaarin doonaa haddii uu ku soo baxo doorashada, waxaase jirtay dood badan oo musharixiin kala duwan ku dalbadeen in Jawaari noqdo kusime madaxweyne.
Sida ku cad Dastuurka KMG ah wuxuu kursiga madaxweynaha bannaan noqon karaa marka madaxweynaha geeri ku timaado, is casilo ama xilka laga qaado, arrimahaas oo aan hadda jirin wuxuuna kala mid yahay Golaha fulinta iyo wasiirka koowaad oo xilkiisa aan isku heynin.
Goobjooge.com