Gudddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare Abshir Axmed Maxamed (Bukhaari) ayaa Dalab ku saabsan dhaqaajinta Dacwadda baarista Askarta ku maqan dalka Eritrea u diray Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
Qoraalka kasoo baxay Abshir Bukhaari ayaa daba socday Qoraal Cabasho iyo Baaris ah oo ay Xeer ilaaliyaha u direen 12 ka mida Waalidiinta ay caruurta uga maqan tahay dalka Eritrea, kuwaasoo doonaya in la helo caruurtooda, sharcigana lagu qaado madaxda ka mas’uulka ahayd.
Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare ayaa xeer ilaaliyaha guud ka codsaday isagoo adeegsanaya awoodda sharcigu siiyey inuu si degdeg u bilaabo baaritaanka ku saabsan fal dembiyeed lid ku ah bedqabka iyo xoriyadda qofka.
“Waxaan si mas’uuliyad ku dheehan tahay kaaga codsanayaa inaad si degdeg ah uga jawaabto cabashada Waalidiinta, isla markaana aad hoggaamiso baaris lagu sameeyo tuhunnada la xiriira fal-dambiyeedyada kasoo horjeeda xoriyadda qofka ee ku xusan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed” ayuu qoraalkiisa ku yiri Abshir Bukhaari oo si toos ah ula hadlay Xeer ilaaliyaha Guud Salebaan Maxamed Maxamuud.
HOOS KA AKHRISO

