Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ayaa soo bedelay xubnihii cabashada laga keenay ee ku jiray Guddigii doorashada ays oo magacaabeen labadaasi maamul.
Madaxweynaha Hirshabelle Cali C/llaahi Guudlaawe ayaa bedelay afar xubnood oo dacwad laga keenay, waxayna ku bedeleen xubno cusub oo ka mid noqoaya Guddiyada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xalinta Khilaafaadka.
Dhinaca kale Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis lafta-gareen ayaa bedelay labo xubnood oo uu dacwad ka keenay Gudddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal, wuxuuna soo magacaabay laba xubnood oo kale, kuwaasoo kala tirsan Guddiga Heer Dowlad Goboleed iyo Heer Federaal.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray Guddiga xukuumadda ee arrinta Guddiyada Doorashada qaabilsan inay baaritaan marsiiyaan xubnaha cusub ee lasoo magacaabay, iyadoo laga eegayo inay buuxiyeen shuruudaha laga rabo oo aysan ka mid ahayn shaqaalaha dowladda, ciidamada iyo taageerayasha madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleeyada.

