Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa dowladda Farmaajo ugu baaqay inay muddo sanad gudihiisah wax uga bedesho xaaladda ammaanka dalka.
Isagoo ka hadlayay munaasabad lagu xusay maalinta xoriyadda ee 1-da Luulyo ayuu sheegay in dowlidihii hore ay wax badan qabteen soona gaarsiiyeen meel wanaagsan, iyadoo buu yiri dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo laga doonayo inay wax ka bedesho xaaladda ammaanka.
Wuxuu caddeeyay in dowladda Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo laga sugayo inay soo celiso ammaankii Muqdisho oo xuska 1-da Luulyo ee sanadka soo socda aan la qaban iyadoo wadooyinka ay xiran yihiin.
Mahad Cawada ayaa soo jeediyay in sanadka 2018 xuska 1-da Luulyo lagu qabto fagaaraha Trebuunka, loogana fadhiyo dowladda Farmaajo inay la timaado isbedel ay ku sameyso xaaladda ammaanka.
Goobjooge