Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Maamuka G/Banaadir ayaa mar kale laga wareejiyey inuu kusime noqdo xilli uu dalka ka maqan yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isagoo ku sugan dalka UK oo qoyskiisu degan yihiin.
Maxamed C/llaahi Maxamed (Tuulah) oo ah guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda Maamulka G/Banaadir oo la filayay inuu noqdo kusime ayaa markii labaad la baal mariyey kadib markii uu kusime noqday Guddoomiye ku xigeenka labaad ee arrimaha maamulka iyo Maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo aanu fiicneyn xiriirka ka dhaxeeya Maxamed Tuulah oo ka tirsanaa xafiiska Madaxtooyada iyo gacan-yareysaasha Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha G/Banaadir, waxaana dhowaan soo baxay inuu kharash aad u fara badan ku geliyay xafiiskiisa, taasoo si weyn loogu cambaareeyay, dacwadiisuna gaartay madaxweynaha.
Waxaan weli xal loo helin xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee G/Banaadir, waan markii labaad oo guddoomiye Yariisow uu kusime ka dhigto ku xigeenkiisa labaad iyadoo uu joogto ku xigeenkii koowaad.
Akhriso Magacyada iyo Qabiilada ay kasoo jeedaan xubnaha Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir