Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh ayaa ka guuray Gurigii uu ka deganaa dhabarka danbe ee Madaxtooyada Soomaaliya, dhinaca degmada Boondheere.
Mursal ayaa degay Guri ku yaalla Gudaha xeyndaabka Madaxtooyada Soomaaliya oo u dhow xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa, iyadoo ay arrintani dhacday habeenkii Khamiista oo ku beegneyd markii ay ciidamada dowladda ee weerarka ku qaadeen Daljirka Dahsoon iyo Hotelka Maa’ida oo musharixiinta Mucaaradka ay ka abaabulayeen bannaanbax looga horjeedo Farmaajo.
Lama shaacin sababta keentay inuu Guddoomiyaha Golaha shacabka uu dib ugu guuro Madaxtooyada, balse wuxuu xilligan isbaheysi dhow la leeyahay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Mursal ayaa Villa Uganda ee Madaxtooyada ka guuray horaantii bishii Disembar 2018 markii go’doon loo geliyey inuu qabtay Mooshin ka dhan ahaa Farmaajo, isagoo markaas u guuray hotel u dhow Garoonka Muqdisho (Halkan ka akhriso)
Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii danbe wajaheysay xiisado siyaasadeed oo ay uga sii dartay iska hor imaadyadii ka dhacay Jimcihii 19-ka Febraayo, iyadoo madaxda dowladda ay degaameysteen Madaxtooyada, halka siyaasiyiinta waaweyn ee Mucaaradka ay u badan yihiin guryo u dhow Garoonka Muqdisho.

Akhriso: Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka guuray Madaxtooyada Somalia