Tuesday, June 24, 2025

Guddoomiye Mursal oo shaaciyey in Baarlamaanku shaqeyn doono inta laga Ansixinayo Sharciga Doorashada

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa shaaciyey in Baarlamaanku aanu u kala tegi doonin Sharciga Doorashooyinka ee hadda horyaalla, isla markaana maalin waliba shaqeyn doonaan si loo ansixiyo Sharcigan.

Hadalkan ayaa ka danbeeyay marki Xildhibaanada Golaha Shacabka ay maanta yeesheen Kualnkoodii 19-aad ee Kalfadhiga 6-aad, iyadoo uu ku furmay kooramka 140 Mudane, waxaana ajenduhu ahaa: Dhamaystirka Ansixinta Labada Heshiis ee kala ah: Heshiiska Ilaalinta Hidda Dhaqameedka Aan La Taaban Karin iyo Heshiis Khuseeya Ilaalinta Hiddaha Dhaqanka Iyo Hiddaha Dabiiciga ah, waxaana wehliyey ajendaha sii Wadida Dooda Akhrinta 2aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Isagoo ka hadayey xiritaanklii fadhiga amaanta ayuu guddomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman sheegay in Golaha uu maalin waliba shaqeyn doono ilaa laga ansixiyo sharciga Doorashada.

Intii uu socday kulankii maanta waxa cod loo qaaday: Heshiis Khuseeya Ilaalinta Hiddaha Dhaqanka Iyo Hiddaha Dabiiciga ah. Waxaana Ogaalatay 140 Mudane, halka ay 4 xildhibaan ka Aamuseen, mana jirin cid diiday, Sidaasina uu ansax ku noqday, kadibna waxaa lasii anba qaaday doodii sharciga doorasahada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON