Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa ay koox hubeysan dil khaarijin ah ku fuliyeen guddoomiye waaxeed ka tirsan degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.
Dabley Bistoolado ku hubeysnaa toogasho ku dilay Guddoomiyaha Laanta Saddexaad ee Degmada Wardhiigley oo magaciisa lagu sheegay Abuukarey, isagoo u dhintay rasaas dhowr xabo ah oo ay ku fureen dableyda intii aanay goobta ka baxsan.
Waxa goobta markii danbe gaatay Ciidamada Booliska, iyagoo sameeyay baaritaan aan cidna lagu soo qaban, wuxuuna falkan ka mid yahay dilal joogto ah oo kooxda Alshabaab ka fuliso magaalada Muqdisho.