Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in koox hubeysan ay toogasho ku dileen guddoomiye Waaxeed ka tirsan degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir iyo qof shacab ah.
Dilka oo ay geysteen koox ka kooban laba dabley ah ayaa Caawa ka dhacay xaafadda Koodka ee degmada Xamarweyne, waxaana halkaasi toogasho lagu dilay Guddoomiyaha Waaxda Horseed ee Degmada Xamnarweyne Xaaji Iikar, waxaana isla goobtaasi lagu dilay mid ka mida dhalinyarrada oo lagu magacaabo Maxamed Muxidiin Buuwe.
Dableyda falka dilka ah geysatay ayaa baxsatay iyadoo markaas kadib ay halkaasi gaareen Ciidamada amniga oo baaritaan ka sameeyay halkaasi, inkastoo aan la sheegin cid loo qabtay falkaasi.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa joogto uga dhaca dilalka qorsheysan, iyadoo ciidamada amniga aanay ku guuleysan inay ka hortagaan ama ka daba tagaan.