Sunday, July 13, 2025

Guddoomiye Yariisow: “Haloo sheego Xildhibaan Fiqi inaan raalli ka aheyn Qas-wade kalkaaliya Argagaxisada..”

Guddoomiyaha Gobolka Banadir ayaa jawaab culus u diray Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo si weyn u weerarray war uu maanta ka jeediyey magaalada Muqdisho, isagoo eedeeyay siyaasiyiinta mucaaradka ku dowladda.

Fiqi ayaa jawaab kulul u diray Yariisow  [Akhriso Warkan], isagoo u sheegay inaysan dadka Muqdisho u baahneyn Guulwade ee ay doonayaan guddoomiye Gobolka Banaadir yeesho wuxuuna u tilmaamay dhibaatooyinka ka jira caasimadda Muqdisho ee shaqada uga baahan Yariisow.

Guddoomiya Yariisow ayaa jawaab kale si toos ah hawada ugu mariyey xildhibaan Fiqi, isagoo farriin uu u diray ku yiri: “Waa nasiibdaro in Xildhibaan Ahmed Moallim Fiqi uu dhibsado ereyada ah yaan la siyaasadeynin amniga iyo inuu difaaco Qaswadayaasha buunbuuniya argagaxisada. Fadlan haloo sheego Fiqi in shacabka aysan raalli ka aheyn QasWade kalkaaliya Argagaxisada..”.

Guddoomiye Yariisow oo ahaa siyaasi qunyar socod ah ayaa hadda u muuqda inuu dhibco siyaasadeed ku raadanayo weerarka uu ku qaaday mucaaradka dowladda.

Xildhibaan Fiqi: “Yariisow hala gaarsiiyo Shacabka Muqdisho uma baahna Guulwade..” [Jawaab Culus]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON