Saturday, April 20, 2024

Guddoomiye Yariisow oo lagu Qasbay inuu Raaligelin Qoraal ah u diro Guddoonka Baarlamaanka [Akhriso]

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa raaligelin u qoray Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay u goodiyeen xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo dhaliilay raaligelintii hore ee uu baritiisa FB ku soo qoray.

C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa xildhibaannada labada Gole ku eedeeyay dhowaan inuu ka shaqeyn waayay, taasoo markii dambe uu sheegay in si xun oo fasriray, waxayna xildhibannada diyaariyeen mooshin loogu yeerayo, iyagoo ku doodaya inuu sharaftooda  meel uga dhacay.

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo hore u soo noqday wasiirka Amniga ayaa ka mida ahaa xildhibaanno ku gacan seyray raaligelintii hore isagoo jawaab u qoray Guddoomiye Yariisow ku sheegay inuu raaligelinta ka hor sheego Baarlamaanka.

“Waajibaadka shaqo ee xildhibaan ka waa 1. Sharci dejin 2. Korjoogtaynta hay’daha fulinta 3. Masalaadda shacabka. Haddaba maxaa keenay Guddoomiye inaad ku aflagaadayso waajibaadkoodii shaqo. Raaligelin looma baahno ee waa inaad ka jawaabta sababta ay ku mutaysteen aflagaadadaa..” ayuu yiri Xildhibaan oo ka mida xubno Yariisow olole ku qaaday.

Ad

Tallaabada Guddoomiye Yariisow iyo raaligelinta labaad ayaa muujineysa dacfiga siyaasadeed ee Duqa Muqdisho oo maalmahan la hadal hayo inuu socde olole lagu doonayo in xilka looga qaado.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON